Friday, December 2, 2016

Waa Maxay Dastuur?

Waa Maxay Dastuur?
Dastuurku waa heshiis bulsho ka dhaxeeyo oo qeexaayo xiriirka ka dhaxeeyo muwadiniinta iyo dowladooda waana Axdi lagu caddeynayo nooca doorasho ee dalka ka dhacayso,  siyaasadda dalka, waajibaadka madaxda dowlada iyo muwadaniinta xaquuqda ay leeyihiin, sidoo kale wuxuu cadeynayaa nooca xukumada dalka ka jirto ay tahay tusaale noocyada dowladaha, dowlad boqortooyo ku dhisan, dowlad federal ah, dowlad dhexe kaliya (unitary government) iyo sida loo toosinayo midka ku xadgudba Axdiga iyo guud ahaan sida dadku ugu dhaqmi lahaayeen qaanuun ay raalli ka wada yihiin.
Dastuurka markii la sameynaayo meelaha ilaha laga soo jigto (Source of constitution) 
Ø  Shareecada Islaamka ( Axaadiista, kitaabada Fiqiga, Sunnada Nabiga Kitaabka Quraan karim ah)
Ø  Dhacdooyinkii hore dalka ugu soo dhacay waayo aragnimadii laga dhaxlay
Ø  Sharuucda iyo sharciyada caaliga ah (international law) iyo heshiis yada caaliga ah oo dalaka ka dhexeeeyo.
Ø  Dastuurka dalalka kale qaabka uu usameysan yahay in qudubada naga anfacaayo laga soo qaato wixii aan na quseynin laga tago.
Ø  Dastuurka ururada ay dowlada xubinta ka tahay In qodobada qaar naga anfacaayo aan kasoo qadanaa. Tusaale soomaaliya waxay xubin ka tahay urur goboleedyada IGAD, Midowga Afrika, Jmacada Carabta iyo Ururka caalamiga ah ee Qaramada Midowbe (United Nations).  
Sharuudaha loo bahan yahay in la raaco markii dastuur la sameynaayo waxaa qudubadaan  soo socda.
Ø  Waa in lagu qoraa erayo la fahmin karo fasiix ah markii la aqrinaayo lagu dhibtoohineynin markii la aqrinaayo.
Ø  Waa in laga ilaaliyo hadalada sarbeebta ah ee sidii la rabo loo fasiran karo waa in uu ku qoranyahay hadalo cad cad oo wadhax ah lawada fahmin karo oo aan sameyheenin macnooyin kala duwan.
Ø  Waa in uu cadeeyaa dastuurka qabka qaadista canshuurada dalka haduu federal yahay dalka waxaa afka qalaad lagu dhaho (fiscal federalism) dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada xubinta ka ah ayaa canshuur qaadinkaro ilaa xadigee canshuur ayaa loo ogol yahay inay dowlada goboleedyada inay qadaan Hadii dastuurka lagu cadeyn habka canshuur qaadista dalka waxaa la dhalanayso isqabqabsi ku aadan canshuur caadis dalka una dhaxeeyo dowlada dhexe iyo dowlaad gobeelyada xubinta ka ah, waxaa jiro canshuuro ay dowlada dhexe ay toos u qaadayso sida canshuurta wixii dalka laga dhuufinaayo iyo wixii lasoo galinaayo canshuurteeda waxa afka qalaad lagu yiraahdo (export& import taxation) inuu dastuurka cadeeyo..
Ø  Waa inuu cadeeyaa qaab dhismeedka dowlada noocada ay dowlada tahay ma mid federal ah baa ama mid dowlad dhexe oo kaliya ah ( unitary government), dowlad boqotooyi ah. 
Ø  Sidoo kale wa inuu cadeeyaa markii dastuurka wax kabadal lagu sameynaayo habka loo maraayo, ma barlamaaka ayaa wax ka bedelinkaro, mise afti dadweyne ayaa wax ka bedel loogu sameynkaraa.

Qeybaha ama Noocyada dastuurka u kala qeybsamo ee adduunka ka jirto
Ø  Dastuur  aanan  sifudud wax loogu bedelin Karin (rigidity constitution) 
markii wax ka bedel lagu sameynaato noocaan dastuurka wuxuu u bahan yahay afti dadweyn oo ay dadku u codeeyaan markii wax kabedel lagu sameynaayo sidaas darted way adagtahay in wax laga bedelo waayo markastuu qudub dastuurka wax laga bedelaayo wuxuu u bahanyahay afti dadweyne in loo qaado oo ay u codeyaan.
Ø  Dastuur    sifudud wax loogu bedelin Karin (flexible constitution) 
Markii wax ka bedel lagu sameynaayo nooca dastuurkan uma bahno afti dadweyne wuxuu u bahanyahay in barlamaanka ay wax ka bedel ku sameeyaan markii qudab kamid ah dastuurka wax laga bedelaayo wuxuu u bahanyahay in barlamaanka inay cod u qadaan si wax loogu bedelo.
Ø  Dastuur qoran ( written constitution) 
Dastuurka waaa inuu ahaadaa mid qoran book domentary ah noocaan dastuurka ah waxaa istimcaalaan in badan oo dalalka calamka waxaa hormuud u ah talyaaniga.
Ø  Dastuur aanan qorneen ( Unwritten constitution) 
Nooaca dastuurkan waa mid aanan qorneen ma jirto domentary book qoran oo lawada aqrisan karo badaa dalalka dastuurkooda aanan qorneen waxay racaan caadooyinkii iyo dhacdooyinkii hore u dhacay sidii loo xalin jiray, markii ay wuxuu baxdo dhibaato markii laxalinaayo waxaa loofiirinaa dhacdadaan hore may u dhacday side loo xalin jiray ayaa loo xalinaa haddii dhacdo ugub ah ay dhacdo waxaa  lagu xalinaa sida macquulka ah.


Markii dastuurka la ansixinaayo afarta ha ee loo maro in la ansixiyo 
1.      In dastuurka lagu ansixiyo afti dadweyn oo ay dadka muwadiniinta ah ay cod u Qadaan makssasi kadib dastuurka oo noqdo mid sharci oo loowada hogaan samo dowlada iyo shicibkeeda ay wada ixtiraamaan,
2.      In dastuurka ay ansixiyaan jimciyada ama sida somalida u qabaano oday dhaqamedyo matalada dadka ay kasoo jeedan inay ansixiyaan in odayaal dhaqameedyada ay cod u qadan dastuurka tusaale nidaanka ansixinta dastuurka waxaa isticmaalay Somalia 2012 iyo South Africa 1994 markii uu dhamaato oo dhamatay midab kala soocii ka jiray dalka konfur afrika.
3.      In dastuurka ay ansixiyaan barlamaanka dalka ka jiro markii dastuurka la sharciyey naayo wuxuu u bahan yahay oo kaliya in barlamaanka ay ansixiyaan oo ay cod uqadaan laguna ansixiyo aqlabiyada barlaamka miisa u badato.
4.      In go’aan madaxweyne lagu ansixiyo madaxweynaha ayaa go’aan kasoo saraaro dastuurka si uu sharci u noqdo dastuurka dalka, noocaan dastuur ansixin waxaa Somalia ka dhacday 1979 markii madaxweynihii dowladii miliratry aheed oo ku ansixyay dastuurka xiligaaas digreeto madaxweyne sidaas  oona sharci ku noqday dastuurii Somaliya 1979.
  
Fahfahin qoraaga qormadaan 
Magaca: Yahya Yahya Amir
Jamacada:  jamacada Simad
Kuliyada:  Cilmiga bulshada ( Social Science)
Taqasuus (degree): Maamulka dowladeed (Public Administration) 

Tariikhada: 15/ 0ctober/2016

About the Author

Unknown

Author & Editor

Has laoreet percipitur ad. Vide interesset in mei, no his legimus verterem. Et nostrum imperdiet appellantur usu, mnesarchum referrentur id vim.

Post a Comment

 
DAAH KA ROGIDA XOGAHA DAAHSOON © 2015 - Blogger Templates Designed by Templateism.com